HomeUncategorized

“Maraakiib jiriif ah oo wata qalab casri ah ayaa ku jirta xeebaha Puntland, waxna kama qaban karno anagu” Wasiirka kalluumaysiga PL Eng, Maxamed Faarax Aadan

Caption ...

Baarlamaanka federaalka oo maanta cod aqlabiyad ah ku meelmariyey shuruuc lagu maaraynayo maaliyadda dalka.
DHEGEYSO-Gudiga dibudhiska Cusbitalka Galkacyo oo ka warbixiyey xaga wax u marayaan.
Dhagayso Barnaamijka Ciyaarahaha Radio Daljir wariye Zucdi Cawiif

Garoowe, Oct, 17 – Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng, Maxmed Faarax Aadan oo u waramayey Radio Daljir ayaa sheegay in markiib shisheeye oo ah nooca jariifka ay kalluumaysi sharci daro ah ka wadaan xeebaha Puntland, isla markaan had iyo goor gurtaan khayraadka dabiiciga ah ee badda Soomaaliya.

Wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka Puntland ayaa intaasi ku daray, inay marar badan soo gaartay qaylo-dhaanta ka soo yeeraysa kulluumaysatada ka xamaasha badda Puntland, balse xilligaan aysan dawladda Puntland awood buuxda u lahayn, inay iska caabiso maraakiibtaasi, ama ay weerar kala hor-tagto.

Eng, Maxamed Faarax Aadan ayaa shaaca ka qaaday inay dawladda Puntalnd marar badan qaylo-dhaan u dirtay beesha caalamka, taasoo ku wajahan in wax la qabto maraakiibta shisheeye ee had iyo goor gurta khayraadka badda Soomaaliya, waxaana wasiirku uu hadalkiisa raaciyay in madaxweynaha dawladda Puntland Dr Faroole uu shir ay ku casumeen madaxda Britain si qoto dheer ugala hadli doono xad-gudubyada maraakiibta shisheeye ay ku hayaan badda Soomaaliya, iyo sidoo kale xaallada Burcad-badeedda Soomaaliyeed.

Dhinaca kale, wasiirka kalluumaysiga iyo khayraadka badda Puntland Eng, Maxamed Faarax Aadan ayaa sheegay inay muddooyinkii ugu danbeeyay wasaaradda kalluumaysigu waday dadaalo xooggan oo lagu tababarayo xirfad-layaal ku shaqaysta habka kalluumaysiga, tababaraasina ay ka fuliyeen deegaanno badan oo ku teedsan xeebaha Puntland, oo ay ugu dambaysay degmada Eyl ee gobolka Nuugaal.

Maxamed C/llaahi Cali ‘Kooshin’.
Radio Daljir Garowe

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: