Madaxweyne Xasan sheikh oo qeybaha bulshada iyo maamulka Hiiraan kala hadlay dib u heshiisiinta

Beledweyne, September 9 , 2013 – Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa xalay kulamo kala duwan la qaatay qeybaha bulshada ee gobolka Hiiraan, kadib safar uu shalay halkaas ku tegey.

Qeybaha kala duwan ee bulshada oo ay horboodayeen odoyaasha dhaqanka iyo maamulka gobolka ayuu Madaxweynuhu xalay la kulmay, isagoo ka xog waraystay xaalada guud ee gobolka iyo howlaha shaqo ee maamulku wado.

Madaxweynaha ayaa bulshada iyo maamulka gobolka ka hadlay howlaha dib-u-heshiisiinta iyo nabadeynta beelaha, sidoo kale Xasan sheikh ayaa ka dalbaday bulshada gobolka in ay la shaqeeyaan maamulka si loo tiigsado amni buuxa.

Agaasimaha dhinaca warfaafinta ee madaxtooyada oo ka warbixiyey safarka madaxweyne Xasan sheikh ee Beledweyne, waxaa uu ?sheegay in qorshahan uu qeyb ka yahay kormeer uu madaxweynuhu ku tegyo meelo badan oo ka mid ah gobollada dalka.

?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir?

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com