Madaxweyne Xasan sheikh oo iclaamiyey xukuno lagu fulin doono kooxaha dhigta jid-gooyooyinka

Muqdisho, December 21, 2013 – Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka ee Soomaaliya Prof. Xasan sheikh Maxamuud ayaa ku dhawaaqay talaabooyin cusub laga qaadi doono kooxaha dhigta isbaarooyinka ee inta badan laga cowdo gobollada qaar.

Madaxweyne Xasan sheikh wuxuu shaaciyey in xukunka qofka isbaarada dhigta uu noqon doono dil, arintaas oo ay taaba gelinayso dowladda Soomaaliya

?Dowladda Soomaaliya uma dulqaadanayso dhibaatooyinka lagu hayo shacabka, weliba jid-gooyooyinka.? Ayuu yiri Xasan sheikh

Madaxweyne Xasan sheikh oo la hadlayey ciidamada booliska ayaa ugu baaqay inay talaabo ka qaadan jid-gooyada la dhigto meelo ka mid ah dalka.

Gobolka shabeelaha hoose iyo qaybo ka mid ah Banaadir ayaa inta badan jid-gooyooyin la dhigtaa, waxaana shacabka deeganadaas ay ka cowdaan caqabadaha ay ku jirto dhaca iyo kufsiga oo ay la kulmaan.

Diiwaanka wararka

Radio daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com