Madaxweyne Xasan sheikh oo ajinebiga ku jira Al-shabaab ugu baaqay in ay dalka ka baxaan

Muqdisho, October 16, 2013 – Madaxweynaha Soomaaliya xasan sheikh Maxamuud ayaa mar kale baaq u jeediyey dhalinyarada ku jira ururka Al-shabaab ee ka dagaalama inta badan koonfurta Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan sheikh maxamuud ayaa xusay in ay dowladdu weli diyaar u tahay in ay soo dhowayso dhalinyarada ku jira ururka ee firkad ahaantooda la qalday, sida uu hadalka u dhigay mar uu khudbad ka jeediyey Muqdisho.

?Wiilasheenii weeye waxaan jecelnahay in ay dadka Soomaaliyeed cafis waydiistaan oo dadkooda dhinac ka raacaan, ma doonayno in ay dalka ka baxaan oo iyagu is dilaan.? Ayuu yiri Md. Xasan sheikh oo si qoto dheer uga hadlay dhalinyarada fikradooda la qaldo.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambayntii waxaa uu baaq kale u jeediyey Ajaaniibta ka tirsan ururka Al-shabaab.?xubnaha ka yimi debeda waxaan leeyahay isaga dalka, umadda Soomaaliyeed waxaa ka go?an soo celinta mustaqbalkooda.?

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com