Madaxweyne Xasan sheekh oo booqday Saraakiil Imaaraad ah oo dhaawacantay

HomeWararka

Madaxweyne Xasan sheekh oo booqday Saraakiil Imaaraad ah oo dhaawacantay

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Isbitaalka ERDOGAN EX Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawa

Waxgaradka Lascanood oo ku dhawaaqay dagaal kadhan ah Somaliland & Kacdoon Cusub (dhegayso)
FARMAAJO oo codsatay in waqtiga loo kordhiyo howlgalka AMISOM
Tartan iyo Tacliin | Habeenka gabagabada ah, Gambool Secondary School Vs Sheekh Xaamud Secondary | ka qayb gal wacan

Madaxweynaha Janhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo Isbitaalka ERDOGAN EX Digfeer ee magaalada Muqdisho ku booqday dhaawacyada Saraakiisha Imaaraatka ee ku dhawaacmay falka argagaxa leh ee ka dhacay Xerada Janaraal Goordan ee magaalada Muqdisho ayaa tacsi u diray dowladda iyo shacabka Isutaga Imaaraatka Carabta.

“Innaa lilaahi wa innaa ileeyhi raajicuun.

Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey weerarka argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Muqdisho, Saraakiishaas oo u yimid dalkeenna in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.”

Madaxweynaha ayaa si adag u cambaareeyey falkan galaaftay nolasha Saraakiishaan wakhtigooda u hibeeyey dadka iyo dowladnimada Soomaaliyeed, isagoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan ku sameeyaan dhacdadan.

“Dawladda iyo Shacabka walalaha ah ee dalka Isutaga Imaaraadka Carabta waxaan uga mahadcelinaynaa garab istaagga joogtada ah ee dib u dhiska iyo horumarinta Soomaaliya, annagoo xasuusnaa doonnaa doorka ay ku garab taagnaayeen dalkeena xiligan adag.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: