Madaxweyne Maxamed Mursi nin noocee ahbuu ahaa? (Daawo)

HomeWararka

Madaxweyne Maxamed Mursi nin noocee ahbuu ahaa? (Daawo)

Shalay magaalada Qaahira ee dalka Masar maxkamad ku taalla dhexdeeda waxaa ku geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi kaasoo muddo

Aadan Gebi, Guddoomiyaha Dhabbad: “Bariiska Anagaa ku Filan ee Magta nala Bixiya!”
Cagaaran/Mudug: Deegaan ku dhisan Iskutashi bulsho oo tebaya kaalintii Dawlada,
Xiildhibaan Kulane Jiis oo ka hadlay Burburka Ciidanka Xooga dalka soo gaarey

Shalay magaalada Qaahira ee dalka Masar maxkamad ku taalla dhexdeeda waxaa ku geeriyooday madaxweynihii hore ee dalka Masar Maxamed Mursi kaasoo muddo 6 sano ah ku jiray xabsi.

Geerida madaxweynahaasi hore ee Masar ayaa timid xilli la maxkamadaynayey, ayna socotay wajigii labaad ee maxkamadayntiisa, waxaana la tilmaamayaa in wadnuhu istaagay isagoo ka doodaya dacwadda lagu soo oogayn oo doorkaan daarranayd xiriir la sheegay in uu la lahaa ururka reer Falastiin ee Xamaas.

Ma jirto faahfaahin laga hayo geeridiisa, lamana soo bandhigin muuqaalkiisa xilligii uu maxkamadda horjoogay iyo markii uu sarajoogga ka dhacay midna.

Cabdirashiid Sh Axmed Axmed waa aqoonyahan bartay cilmiga siyaasadda, haddana deggan dalka Australia, si dhawna ula socda arrimaha Carabta.

Daljir ayuu uga warramay taariikhdii madaxweynihii hore ee Masar ee geeriyooday Maxamed Mursi iyo xogta laga hayo dhimashadiisa.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: