Madaxweyne Laftagareen oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay Arrinta Muqtaar Roobow

HomeWararka

Madaxweyne Laftagareen oo Odayaasha Dhaqanka kala hadlay Arrinta Muqtaar Roobow

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Oda

Maxkamadda Sare Somaliland oo loo Gudbiyay Dacwad ka Dhan ah Guddoomiyaha Golaha Wakiilada
Wadooyinka Muhiimka Ah Ee Muqdisho Oo Xiran Iyo Faah Faahin Laga Helayo Sababta Loo Xiray
Saaka & Dunida iyo Maxamed Xasan Dhalo, Daljir Boosaaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Cabdi Casiis Xasan Maxamed (laftagareen) ayaa Magalada Baydhabo waxa uu kula kulmay qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka deegaanada Koonfur Galbeed.

Kulanka oo uu ku wehlinayay Guddoomiyaha Baarlamaanka Koonfur Galbeed Cabdiqaadir Shariif Sheekhunaa Maye ayaa waxaa ay uga hadleen arrimo uu ka mid yahay xariga Muqtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo weli u xiran dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa Madaxweynaha Koonfur Galbeed iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka waxa ay u gudbiyeen cabasho ku aadan in muqtaar Roobow uu mudo dhowr bilood ah xiran yahay, iyada oo aan wax maxkamad ah la geyn.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed ayaa Oayaasha Dhaqanka uu kulanka la qaatay wax auu u balan qaaday in dowladda uu kala hadli doono sidii loo siideyn lahaa Muqtaar Roobow oo horay uga mid ahaan jiray hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab balse dowladda isku-soo dhiibay.

Dowladda Soomaaliya ayuu weli u xiran yahay Muqtaar Roobow,waxaana socda dadaalo la doonayo in lagu siidaayo, iyada oo qaar ka mid ah Odayaasha Dhaqanka Koonfur Galbeed ay dalbadeen in mudo 15 Cisho gudahood lagu siidaayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: