Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Hadlay Iskudhafka Ciidamada Bilayska Galkacyo

HomeWararka

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo Ka Hadlay Iskudhafka Ciidamada Bilayska Galkacyo

Madaxweyne ku xigaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay inuu dhammaad marayo marayo qalabeynta Ciidamada isku dhafka ah

Xaalada Naafada Garowe & Tacadiyada ka dhanka ah (daawo)
Daljir & BBCMA: Baraarugga Haweenka – Taxanaha 4aad Covid-19 (Xaawo Axmed iyo Maxamed Xasan Dhalo – dhegayso)
Maxay ka wada hadleen Farmaajo iyo Rooble?

Madaxweyne ku xigaanka dowladda Puntland Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camey) ayaa sheegay inuu dhammaad marayo marayo qalabeynta Ciidamada isku dhafka ah ee loo sameeyay magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug.

Eng Cabdixakiin Cabdullaahi Cumar Camey wuxuu sheegaya in Ciidamada isku dhafka in hada lagu wareejiyay gawaari ay ku shaqeeyaan, sidoo kalena ay bilaabeen shaqadoodii rasmiga aheyd ee nabadeynta magaalada Gaalkacyo.

Dhanka kalena, madaxweyne ku-xigeenka dowladda Puntland ayaa labada maamul iyo labada shacab ee Puntland iyo Galmudug ugu baaqay in ay la shaqeeyaan Ciidamada loo sameeyay in ay ka shaqeeyaan nabada Gaalkacyo, si aysan u soo laaban colaad dambe.

Eng Cabdixakiin Xaaji Cumar (Camey) Madaxweyne ku xigaanka maamulka Puntland ayaa sheegay in ay isku keeni doonaan waxgaradka labada dhinac si ay hoggaan ugu noqdaan Nabada iyo wada noolaanshaha.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: