Madaxweyne ku xigeenka Puntland muxuu kala hadlay Ciidamada Af-urur (Daawo)

Madaxweyne Ku-xigeenka Dowladda Puntland,
Ahna Kusimaha Madaxweynaha Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash iyo
wefti balaadhan oo uu hogaaminayo oo safar shaqo ku gaaray degaanka
Af-urur ayaa kormeeray ciidanka Daraawiishta Puntland ee ka hawlgala
deegaankaasi.

Kormeerka kadib Madaxweyne Ku-xigeenka iyo weftigiisu waxa ay kulan
muhiima la qaateen saraakiisha iyo cutubyo ka tirsan ciidanka
Daraawiishta ee dalkooda iyo dadkoodaba ka difaaca Argagixisada
tamarta yar ee ku dhuumaalaysta buuraleyda Calmadaw.

Kusimaha Madaxweynaha oo lahadlay ciidanka ayaa u jeediyey ammaan iyo
bogaadin ku aadan 10 kii sane ee u danbeeyey ee ay dadalkooda iyo
dadkoodaba ka horjoogeen cadawga marin habaabsan ee Al-shabaab iyo
kuwa la halmaama ee ay dhibto nabadda, horumarka iyo wadajirka
dowladda iyo shacabka Puntland ay gaareen. Sidoo kale waxa uu
Madaxweyne Karaash xusay in Puntland ay ku leddo ciidamadooda
geesiyaasha ah ee aan wax-jixinjix ah u gelin cadawga wax magaratada
ah.

”Waxaanu u soo qastiney dhufayskaas aad ku jirteen ilaa 2010 kii oo
aad u adkaysateen saa u difaacdaan dalkiina inaanu idiinku nimaadno,
Alle ha u naxriisto intii naftooda ku weydey iyagoo di faacaya
dalkooda, intii ku dhaawacantayna Alle ha u boogadhayo, waanu u nimad
sidoo kale inaanu idinla soo aragno halkaas aad ku jirtaan, waad
fuliseen balanqaadkiinii, waad fulindoontaan inta naftu idinku jirto,
waadna ku amaanantihiin”.

”Waxaan balanqaadaynaa ka dowlad ahaan wixii aanu qaban karno inaanuu
qabano, wixii naga tanbatana inaanu idinku soo noqono illeen dalka waa
wada leenahay eh oo aad xogogaalnimadeeda iyo ixtiraankeeda aad
yeelataan” Ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com