Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo booqday Xarunta karantiilka

HomeWararka

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo booqday Xarunta karantiilka

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug mudane, Cali daahir Ciid, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta ka hortaga iyo daaweynta Caabuq

Golis oo adeegyo cusub ku soo bandhigtay Garoowe (dhegayso)
Khilaafka Carabta oo Fashiliyey U Jeedadii Carabtu Ka Lahayd Dekedaha Somalia iyo Yemen
Muqdisho: Dowladda Soomaaliya oo War kasoo saartay doorashooyinka Hir-Shabeelle

Madaxweyne ku xigeenka dowlad Gobaleedka Galmudug mudane, Cali daahir Ciid, ayaa booqasho iyo kormeer ku tagay xarunta ka hortaga iyo daaweynta Caabuqa Covid19 ee caasimada dhuusomareb.

Madaxweyne ku Xigeenka ayaa la kulmay warbixina ka dhageystay Gudiga ka hortaga iyo latacaalida caabuqa Covid19 ee heer maamul gobaleed iyo shaqaalaha caafimadka xarunta Dhuusomareb.

Gudiga ayaa madaxweyne ku xigeenka war bixin ka siiyay howlaha ka hortaga iyo la tacaalida cudurka dilaaga ah ee Covid19 iyo ilaa hada kiisaska la xaqijiyay in aay galmudug ka jiraan.

Mudane Cali Ciid, Gudiga oga mahad celiyay shaqada wanag san oo aay bulshada Galmudug u hayaan sidoo kale madaxweyne ku xigeenka Galmudug ayaa Dowlada fadaraalka soomalia iyo haayadaha caalamiga ah ka cod saday in Galmudug laga cawiyo la taacaalida iyo ka hortaga Caabuqa Covid19.

Waxaa jira dhowr qof oo laga shakiyay oo baaris lagu sameeyay balse wax jawaab rasmi ah aan wali lagachelin.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: