Madaxweyne Gaas, RW Cumar iyo Madaxweyne Madoobe oo Shacabka Garowe la tukaday Salaaddii Ciidda

Jimco, Luuliyo 17, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke, Madaxweynaha Dawladda Jubbaland Axmed Maxamed Islaam , Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng.Cabdixakiin Cabduulaahi Cumar Camey ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 17-7-2015 salaada ciida shacabka reer Puntland kula tukaday garoonka kubadda cagta ee magaalo madaxda Puntland ee Garoowe.

Sidookale tukashada salaada ciida waxaa ka soo qeyb-galay Wasiiro, Xildhibaano, Saraakiil ciidan, Waxagarad, Isimo, Cuqaal, Siyaasiyiin iyo dadweyne kala duwan oo ka kalayimid guud ahaa Gobolada Puntland gaar ahaan magaalada Garoowe ee caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey madasha ayaa umadda muslmiinta ah meelkasta ay joogaan ugu hambalyeeyey munaasibadda ciidda allana uga baryey in sanadkaan sanadkiisa kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo Nabad waarta.

\’ Inaynu maanta halkaan isugu nimaano waxaa sabab u ah Nabadgelyada kajirta Puntland , nabadgelyadu waa furaha Nabadda , furaha horumarka, furaha wadajirka iyo dawladnimada intaba \’\’ Ayuu yiri Madaxweyne Gaas.

Madaxweynaha ayaa sidookale tilmaamay in Puntland caan ku tahay Nabadgelyada iyo kala dambeynta , taas ayaana sabab u ah in madaxda dalka ay ku soo hirtaan kalsooni buuxdana ay ku qabaan in si nabad ah ku joogaan.

\’\’ Dawladda Puntland wax gorgortan ah kama gelayso nabadgelyadeeda ha ahaado mid dibadda ka yimaada ama ka dhasha gudaha , marka waa in aynu ka waantowno jirinimada iyo in dhib iyo shido laga abuuro wadanka gudihiisa \’\’ Ayuu hadalkiisa raaciyey Madaxweynuhu.

Raysal-wasaaraha dawladda Federaalka Soomaaliya iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa dhankooda umadda muslmiinta ah ugu hambalyeeyey ciida , waxayna Puntland ku amaaneen nabadda iyo kala dambeynta ka jirta.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com