Madaxweyne Gaas oo Addis Ababa kula kulmay Qaar kamid ah madaxda dalalka Afrika

Arbaco, Abriil 22, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo weli ku sugan dalka Ethiopia ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay madax sare oo ka tirsan wadamada Qaaradda Afrika oo dalkaasi uga qeyb-galay shir muhiim ah oo looga hadlayey arrimaha amaanka ee geeska Afrika.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa madaxda uu la kulmay kala hadlay sidii laysaga kaashan lahaa adkaynta amaanka geeska afrika loona soo afjari lahaa kooxaha argagixisada sida Al-qaacida iyo urur diimeedka Al-shabaab.

Kulamadii kala duwanaa ee uu Madaxweyne Gaas la qaatay dhammaan madaxda uu la kulmay waxaa ay ku soo dhammaadeen guul, is afgarad iyo jawi dagan, waxaana si wadajir ah loogu wada balamay in meel looga soo wada jeesto cadowga geeska Afrika oo ay ugu horeeyaan kooxaha xagjirka ah.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com