HomeUncategorized

Madaxweyne Gaas iyo RW Cumar oo Shirar ku leh Madaxtooyada

Sabti, Abriil 11, 2015 (Daljir) — Hoolka shirarka xarunta wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntland Garoowe ayaa waxaa shir wadatashi ah uga furmay dowladda Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana siwadajir ah ufuray Madaxweynaha dowladda Puntland iyo ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya.

DHEGEYSO-Dacwadda badda ee udhexeysa Kenya iyo Somalia oo Holland ka furmaysa.
Burcad-badeed Soomaali ah oo afduubatay markab ka diiwaan gashan Liibiya, lana timid xeebaha Laasqoray.
DHEGEYSO-Gudoomiyihii degmada Buur-hakaba oo u geeriyoodey dhaawac qarax.

Sabti, Abriil 11, 2015 (Daljir) — Hoolka shirarka xarunta wasaaradda caafimaadka ee dowladda Puntland Garoowe ayaa waxaa shir wadatashi ah uga furmay dowladda Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya, waxaana siwadajir ah ufuray Madaxweynaha dowladda Puntland iyo ra’iisul wasaaraha Jamhuuriyadda Federalka ah ee Soomaaliya.

Shirkaan oo socon doona mudo labo maalmood ah ayaa waxaa inta uu socdo looga wadahadlidoonaa, heshiisyadii horay udhexmaray dowladda Puntland iyo dowladda federalka ah ee Soomaaliya, sidii looga dhabayn lahaa hiigsiga 2016ka iyo dhismaha maamulka gobolada dhexe ee loodhisayo gobolka Galgaduud iyo Koonfurta gobolka Mudug.

Dowladda Puntland ayaa kahor booqashada ra’iisul wasaaraha Soomaaliya gudi u saartay arrinta dhismaha maamulka gobolada dhexe kadib markii madaxweynaha Soomaaliya dhowaan Dhuusamareeb kasheegay in maamulkaasi loodhisayo gobolada Mudug iyo Galgaduud.

By:Abdirashiid Abshir 

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: