Madaxweyne Farmaajo,”Baaritaan Dhow Ayaan Ku Samaynaynaa Weerarkii Bariire”

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa tacsi u direy Eheladda dadkii lagu laayay deegaanka Bariiire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.

Madaxweynaha oo bartiisa soo dhigay qoraal uu kaga hadlayo dadkii la laayay ayaa sheegay inuu ka tacsiyeynayo dadka lagu laayey weerarkaas ka dhacay subaxnimadii hore ee saakay deegaanka Bariire.

Madaxweyne Farmaajo ayaa  sheegay inay dowladda Soomaaliya baaritaan dhab ah ku sameyn doonto wixii dhacay iyo qaabka ay u dhaceyn,islamarkaana ay tahay wax aad loogu xumaado in shacab masaakiin lagu xasuuqay goob ay ku sugnaayeen.

Madaxweynaha ayaa la sheegay in uu la hadlay dadka ay arrintaan quseyso isagoo amray in la soo baaro sidii ay wax u dhaceen balse waxa uu sheegay in aad uga xun yahay falkii dhacay ee shacabka lagu xasuuqay.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com