Madaxweyne deni oo wafuud caalami ah qaabilay

HomeWararka

Madaxweyne deni oo wafuud caalami ah qaabilay

Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar

Imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiga Hoose Dhexe ee gobolka Banaadir oo la soo gabagabeeyay (daawo)
Cabdirisaaq Cabdillaahi Ciid oo ku guulaystay HOP 063.
Warka Arooryo iyo Maxamed Lakiman, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)

Kulamadaasi waxaa Madaxweynaha Puntland ku wehelinaayey Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta, Horumarinta Dhaqaalaha iyo Iskaashiga Caalamiga ah Cabdiqafaar Cilmi Xaange, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta Sare Cabdullaahi Maxamed Xassan
Agaasimaha Guud ee Madaxtooyada Puntland Maxamed Cabdiladiif Yuusuf iyo Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac Dabaraani.

Kulanka Madaxweynaha iyo masuuliyiinta Hay’adda UNICEF waxaa looga wadahadlay mashaariicda horumarineed ee Hay’adda UNICEF ka waddo Puntland, waxaana ka warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jamac.

“Madaxweye Deni wuxuu xarunta Madaxtooyada kula kulmay masuulka cusub ee UNICEF usoo magacowday Soomaaliya Mr Werber Schultunk iyo xubno ka tirsan saraakiisha Hay’addaasi, waxaa laga wadahadlay sidii loo wada-shaqayn lahaa iyo in UNICEF sii joogtayso mashariicda ay ka fuliso Soomaaliya, gaar ahaan Puntland”.

“Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa u sheegay madaxda UNICEF in waxqabadkooda ay ku saleeyaan baahiyaha deegaanada ka jira ee ay soo gudbiyaan, taas oo uu Madaxweynuhu hoosta ka xariiqay in ay muhiim tahay taasi, si looga jawaabo baahiyaha jira” Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Isuduwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis Iyo Madaxa Xafiiska ICRC Puntland Cabdifataax Fandhaal, waxaa ka warbixiyey kulankaasi Afhayeenka Madaxtooyada Puntland.

“Madaxweyne Deni waxa uu isla xarunta Madaxtooyada kulan kula qaatay isu duwaha ICRC Puntland Emmanuel Lippolis oo fadhigiisu yahay Nairobi iyo madaxa xafiiska ICRC Puntland Mudane Cabdifataax Fandhaal waxaa laga wada-hadlay shaqada ay ICRC ka wado Puntland, shaqooyinka socda iyo sidii wada-shaqaynta muhiimka ah ee ka dhaxaysa Puntland iyo Hay’adda ICRC loo sii joogtayn lahaa”. Ayuu yiri Afhayeenka Madaxtooyada Puntland Jaamac Yuusuf Jaamac.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: