Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya.

Madaxweyne Deni oo Qasriga Madaxtooyada Garoowe ku Qaabilay Safiirka Itoobiya Ee Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni ayaa xalay Juun, 26, 2019, Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe ku qaabilay safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya Mudane Jamaaludiin Mustafe Cumar oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan safaaradda dalkaasi ee Soomaaliya iyo masuuliyiinta qunsuliyadda Itoobiya ee Puntland.

Kulanka ayaa waxaa Madaxweynaha ku weheliyey masuuliyiin ka tirsan Golaha xukuumadda Dowladda Puntland iyo Af-hayeenka Madaxtooyada Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa ka warbixiyey kulanka ay wadaqaateen weftiga Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya, waxaana uu xusay Madaxweynuhu inuu ku faraxsan yahay muddo dheer ka dib inay safiirka Puntland ku yeeshaan kulan shaqo oo muhiimaddisa leh.

“Waxaa caawa magaalada Garoowe safar shaqo noogu yimid safiirka dalka Itoobiya u fadhiya Soomaaliya oo saldhigiisu yahay magaalada Muqdhisho, waxaan aad ugu mahadcelinayaa safiirka oo ah shaqsi muddo dheer Soomaaliya kasoo shaqeeyey, waxa uu ka shaqeeyey dalka wakhti adag oo aan u baahnayn taageerada caalamka”

“Waan ku faraxsanahay in aan Garoowe isku aragno anagoo muddo badan soo wada-shaqaynay magaalada Muqdisho xilligii aan Wasiirka qorshaynta ka ahaa asna uu qunsulka ka ahaa”. Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa tilmaamay in ay weftiga safiirka wadayeesheen shir muhiim ah oo looga hadlayo xiriirka guud ee dalka Itoobiya iyo Soomaliya, gaar ahaan Puntland ee arrimaha ganacaiga iyo amaanka.

Dhinaca kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda Itoobiya uga tacsiyeeyey
masuuliyiintii ku nafwaayey qalalaasihii ka dhacay dalkooda todobaad ka hor, waxaa uu sheegay in talaabadaasi noqoto mid ay ka bartaan cashar oo u horseedda wadajir iyo horumar.

Safiirka Itoobiya ee Soomaaliya Jamaaludiin Musatafe Cumar ayaa dhankiisa Madaxweynaha uga mahadnaqay qaabilaadda iyo soo dhoweynta isaga iyo weftigiisa, waxa uu sheegay inay Madaxweynaha ka wada-hadleen xidhiidhka wadashaqayneed ee labada dhinac.

“Mudane Madaxweyne waan kuugu hambalyeynayaa shaqooyinka wanaagsan ee kuu qabsoomay mudada aad joogtey, waxaan Madaxweynaha ka wadahadalnay xoojinta Iskaashiga soo jireenka ah ee Puntland iyo Itoobiya ee dhinacyada Ganacsiga iyo Amniga, waxaan xoojinaynaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Qunsuliyadda iyo Puntland, ka safaarad ahaanna diyaar ayaan u nahay wada shaqaynta Puntland” Ayuu yiri safiirka Itoobiya ee Soomaaliya.

Hoos ka daawo kulanka.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com