HomeUncategorized

Madaxweyne C/weli Gaas oo Maanta Dib ugu soo Laabtay Garoowe kana Hadlay Arrimo Badan

Axad, Abriil 26, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid ah xubnihii ku wehliyay safar uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa ay halkaa u tageen ka qayb-galka shir lagu qabtay magaalada Bahardar ee dalka Itoobiya.

Midawga Afrika oo taliye cusub u soo magacaabey ciidanka AMISOM, lana wareegey maanta xilka. [Akhris …]
Kenya oo Sheegtay in ay Qabatay Hub u socday Al-shabaab
Meleteriga huwanta oo fariisin ciidan ka samaystay deegaano ku dhow degmada Buul-burte ee Hiiraan

Axad, Abriil 26, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha Puntland C/weli Maxamed Cali Gaas iyo qaar kamid ah xubnihii ku wehliyay safar uu ku tagay dalka Itoobiya ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Garowe, waxaana madaxweynaha iyo wafdigiisa ay halkaa u tageen ka qayb-galka shir lagu qabtay magaalada Bahardar ee dalka Itoobiya.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland, qaar kamid ah golaha wasiiradda iyo dad weyne tiro badan ayaa madaxweynaha ku soo dhaweeyay garoonka, waxaana  uu ka warbixiyay safarkiisa iyo kulamadii uu kaga so qayb-galay magaalada Addis Abab.

“Waxaan ka soo laabtay shirkii Tana Forum, shirkaasoo sanadkiiba mar la qabto Puntland waxa  ay u tahay sanadkii labaad oo ay ka qeyb-gasho, waxaana isugu yimi shirka wadamo badan oo ay ka socdeen madaxda Geeska Afrika,” ayuu yiri madaxweyne C/weli Gaas oo warbaahinta kula hadlay xarunta madaxtooyada.

“Markii uu shirka noo soo dhamaaday waxaan dib ugu soo laabannay Addis Abab oo aan kula kulannay madaxda Itoobiya ,waxaan iyagana ka wada hadalnay arimo la xiriira amniga iyo ganacsiga “ ayuu mar kale yiri madaxweynaha.

Dhinaca kale, madaxweynaha Puntland ayaa sheegay in dowladiisa ay hor-keeni doonto sharciga ciidamo ka tirsan Puntland oo dhawaan qof eedaysane ah si xoog ah ugala baxay maxkamadda gobolka Nugaal xilli ay socotay dhagaysiga dacwaddiisa.

Ugu danbayn, Gaas ayaa sheegay in lasoo bandhigo doono macluumaad la xiriira weerar ka dhacay magaalada Garowe asbuucii hore, kaasoo lagu dilay shaqaale ka tirsanaa Qaramada Midoobay, wuxuuna intaas ku daray in dowladdiisa ay dagaal adag la gali doonto kooxda Al-shabaab oo fariisamo ku leh buuraha Gal-gala.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: