Kenya oo Sheegtay in ay Qabatay Hub u socday Al-shabaab

Isniin,,Ogoosto 24 ,2015(Daljir)_Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ayaa sheegay inay Labo nin oo ka tirsan Dagaalamayaasha Alshabaab ku soo qabteen Hawlgal ay ka fuliyeen Degmadda GarissaKoox Khaas ah oo ka tirsan Baarayaasha Boliska kana  yimid magaalladda Nairobi ayaa la sheegay inay hawlgal qaatay muddo labo maalmood ka fuliyeen guri la sheegay inay kireysteen rag lala xiriiinayo Alshabaab.

Saraakiishaasi oo la sheegay inay ku socdeen Warbixin iyo Far-muuqid ayaa sheegay inay guriga Eedeysanayaasha ka soo heleen dhowr qori iyo waxyaabaha qarxa oo  laga soo gudbiyey xuduudka Somalia, lana qorsheynayey in lagu fuliyo hawlgal, waa sida hadalka loo dhigay.

Barta Twitterka ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Kenya ayaa lagu sheegay in ugu yaraan labo Eedeysane lagu xiray Garissa, lana helay kayd hub ahaa.Waxay kaloo sheegeen inay Ciiddanka Ammaanka ku raad-jooghaan dad kale oo gacansaar la leh Eedeysanayaasha la xiray.

Wasaaradda Arrimaha gudaha ee Kenya waxay kaloo tilmaamtay inay Eedeysanayaasha la qabtay ay xiriir la leeyihiin Taliye ka tirsan Xarakadda Alshabaab, oo lagu magacaabo Mohamed Kanu, laguna naanayso Gacma-dheere, kaasi oo ay horey Milliteriga Kenya u sheegeen in lagu dilay duqeyn ka dhacday Gobalka Gedo.

Dhinaca kale, Dagaalamayaasha Alshabaab wax war ah kama soo saarin Sheegashadda Ciiddanka Ammaanka ee Kenya ee ku aadan in ay rag ka tirsan Alshabaab ku xireen Degmadda Garissa ee W/bari Kenya.

 

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com