Midawga Afrika oo taliye cusub u soo magacaabey ciidanka AMISOM, lana wareegey maanta xilka. [Akhris …]

Muqdisho, Aug 14 – Waxaa maanta si rasmi ah shaqadiisii ula wareegey taliyaha cusub ee ciidamada AMISOM ee dhawaantan la soo magacaabey Mr Nethan Megushy, iyada oo la baddaley taliyihii hore ee ciidamada AMISOM Fracnous Okelo.

Xaflad ballaaran oo maantay lagu qabtey xarunta Madaxtooyada magaalada Muqdisho oo ay kula kala wareegayeen taliyayaashu xilalka ayaa waxaa ka soo qeyb galey Madaxweynaha DFKMG ee Soomaaliya Shariif Sh Axmed, Ra?iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Cali, Guddoomiyaha Baarlamaanka Aadam Maxamed Nuur iyo Madax sar sare oo ka tirsan dawladda KMG.

Mr Okelo oo ah taliyaha wareejiyey xilka ayaa waxaa uu soo bandhigey tan iyo markii loo dhiibey xilkaan waxyaabahii caqabadaha ahaa ee soo waajahay hawl galka ay ka wadaan ciidamada AMISOM dalka Soomaaliya isaga oo sidoo kalena soo bandhigey wax yaabihii ay qabteen.

Waxaa uu xusey in nabad ilaalin kaliya aysan ku koobneyn ciidamada AMISOM waxaase uu ku darey in ay taakulo gaarsiinayeen rayadka reer Muqdisho iyaga oo sidoo kalena uu sheegey in uu aad ugu farasaxsanaa muddadii uu xilka hayey.

Taliyaha Cusub ee la wareegey xilka ayaa isna hadal jeediyey waxaana uu ku nuux nuuxsadey in uu aad ugu farasanyahay xilka loo magacaabey waxaana uu sheegey in si daacadnimo leh uu u gudan doono waajibka loo igmadey.

Waxaana ay sheegeen labada Taliyaba in ay sii wadeyso AMISOM taakuleynta ay siiso DFKMG ee Soomaaliya taas oo ku aaddan in gacan laga siiyo ilaalada goobo Muhiim oo ku yaalla magaalada Muqdisho iyo in dawladda fara ku jabka ah laga difaaco kooxaha ka soo horjeeda ee wareerarrada la beegta inta badan.

Midawga Afrika ayaa waxaa ka jooga caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho in ka badan 5,000 oo Askari ku waas oo qeyb ka ah 8,000 oo Askari oo sanadkii 2005-ta ay ballan qaadeen midawga Afrika in ay ka hawl galayaan Somaliya waxaase dhawr jeer ooh ore ay u soo kala dib dhaceen caqabado dhinaca Saadka iyo Sahayda ah.

C/fataax Cumar Geeddi.
Idaacadda Daljir. http://daljir.com/


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com