Madaxweynaha Yemen oo sheegay in ay la Hadlayaan kooxaha Mucaaradka ku ah Dowladdisa

Arbaco, Juun 03, 2015 (Daljir) — Madaxweynaha dalka Yemen Cabdi Rabah Mansuur Haadi ayaa sheegay in uu diyaar u yahay in uu ka qayb-galo wadahalo ay garwadeen ka tahay QM oo lagu doonayo in xal nabadeed loogu helo colaada ka aloosan dalka Yemen wahadaladaas oo ka furmaya magaalada Jenava ee dalka swizarland.

Madaxweynaha dalka Yemen ayaa ku adkaysanayey in xuutiyiintu ay marka hore hubka dhigaan hase ahaatee go,aankiisa ayuu badalay kadib markii magaalada riyaad uu kula kulmay hogaamiyayaasha dhaqanka ee dalka yemen iyo ergayga QM u qaabilsan dalka Yemen Ismaaciil Walad Shiikh Axmed sidaa waxaa wagaalada wararka Associated Press sheegay qof kamid ah dadka u dhow haadi oo magaciisa ka gaabsaday in la sheego.

Dalka yemen ayaa waxaa uu galay xaalad cakiran oo dagaalo iyo fowdo ah tan iyo markii ay la wareegeen dalka kooxaha xutiyiinta ah ee xukunka ka tuuray xukuumadii dalkaasi waxaana madaxweyne haadi uu u baxsaday dalka Sucuudiga kadib markii kooxaha xuutiyiinta ay galeen madaxtooyada Magaalada Sanca ee caasimada dalkaasi,QM ayaana dadaal ugu jirta sidii xal loogu heli lahaa colaada dalkaasi Yemen.

By: Jaamac Abdurahmaan 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com