Madaxweynaha Puntland oo Waraaqda Is-casilaadda ka Aqbalay Gudoomiyihi Gobolka Mudug

Isniin, September 28, 2015 (Daljir) — Gudoomiyihii Gobalka Mudug ee Puntland, C/qaadir Shire Faarax (Erag) ayaa is-casilay, isagoo sheegay in Warqaddiisa is-casilaada uu maalmo ka hor u gudbiyay Madaxwaynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas.

Ereg ayaa sheegay in Madaxwayne C/weli Gaas uu ka aqbalay is-casilaadiisa, isagoo xusay in Is-casilaaddiisa uu Dhowr Maalmood ka hor u Gudbiyay Madaxweynaha Puntland.

C/qaadir Erag oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu xilka iska-casilay, isla markasna is-casiladdiisa uu Madaxwaynaha Puntland ka aqbalay, isagoo ku tilmaamay warar been ah in sababta uu isku casilay ay ahayd khliaaf soo dhex-galay Duqa Gaalkacyo iyo Madaxda Wasaarada Maaliyadda Puntland Waaxdeeda Gobolka Mudug.

“Xilka Guddoomiyaha Gobolka Mudug Waxaan Hayay Shan Bilood ah, isla markaana si Shaqsiyan ah ayaan u Go’aansaday inaan is-casilo, Waxaana iga go’an inaan ka shaqeeyo Danaha iyo Horumarka Gobalka Mudug,” ayuu yiri Guddoomiyihii Gobolka Mudug.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com