Madaxweynaha Puntland oo Taliyaha Booliska Puntland u magacaabay Col: C/risaaq Afgaduud

Gorowe, 07, August, 2015 – Madaxweynaha Puntland Dr Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa wareegto uu soo saaray ku magacaabay Taliyaha ciidamada Booliska Puntland oo uu u magacaabay Col. Cabdirisaaq Af-gaduud oo horay Darajooyin sare oo ciidan uga soo qabtay Puntland iyo DFKMS. Muddooyinkii ugu dambeeyayna ku sugnaa dalka isagoo aanan wax xil ah haynin

Xilka taliyaha Ciidamada Booliska Puntland waxaa sanado badan soo hayey Gen Maxamed Saciid Jaqanaf, Taliyahii hore ayaa sheegay in warka madaxtooyada uu soo gaaray uuna soo dhaweynayo xilka qaadistiisa iyo magacaabista Taliyaha Cusub sida ay ku waramayaan ilo xog\’ogaal ah.

Col. Cabdirisaaq Afguduud ayaa horey ula soo shaqeeyey Madaxweynihii ugu horeeyey ee Puntland, waxaana uu horey u qabtey isla xilka hadda loo magacaabey, xiligii Maxamed Cabdi Xaashi.

Sanadkii 2005 ayuu u wareegay dhanka Federaalka Soomaaliya, waxaana uu noqdey taliyihi ciidanka Milteriga ee aaga Kismaayo.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com