Madaxweynaha Puntland oo Shaqa Joojin ku Sameyeey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Erag

Madaxweynaha Puntland oo Shaqa Joojin ku Sameyeey Taliyihii Ciidanka Booliska Puntland Erag

Madaxweynaha Puntland Cabdiwelu Maxamed Cali Gaas ayaa Maanta shaqada ka joojiyay Taliyaha Booliska Puntland C/qaadir Shire Farax (Erag)

Taliye Erag ayaa Maalmo ka hor waxaa uu Magaalada Garoowe ku dhaawacay ku xigeenkiisa kaddib markii Taliye Erag iyo Guddoomiyaha Gobolka Nugaal CUmar Faraweyne ay murmeen,raasaasuu Faraweyne u wadayna ku dhacday ku xigeenkiisa,waxaana sido kale lagu xukumay xabsi guri.

Qoraal kaso baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu yiri

Xeer Madaxweyne Lr. 126 October 22 2017, kuna saabsan shaqa kajoojin iyo xabsiguri Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.
Markuu arkay:- Dastuurka dawladda Puntland.

Markuu qiimeeyey:- Falalkii uu kukacay taliyaha ciidanka Booliska Puntland
taariikhdu markay ahayd 21 October 2017.

Wuxuu Xeeriyey:-
1. Waxaa S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga joojiyey shaqada Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland.

2. Waxaa sidoo kale S/Guuto Cabdiqaadir Shire Faarax (Ereg) laga dhigay (xab siguri) ilaa amar danbe.

Xeerkani wuxuu dhaqan-gelayaa markuu Madaxweynuhu Saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.
=DHAMMAAD=

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com