HomeUncategorized

Madaxweynaha Puntland oo shacabka ugu hambalyeeyey munaasabadda ciidul Carafa.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 September, 2016 waxaa uu salaaddii ciida ku tukaday masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna hambalyada ciidda u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, isagoo u rajeeyey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo nabadgelyo.

Kaluumaysatada Xaafuun oo cabasho ka muujiyey markaaiibta jariifka. [Dhegaysi …]
DHEGEYSO-Jubbaland oo beenisey inay siidaysay maxaabiis katirsanaa Alshabaab.
DHAGAYSO:Magaalada Bosaaso oo Roobsatay

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 12 September, 2016  waxaa uu salaaddii ciida ku tukaday masjidka Isbahaysiga ee magaalada Muqdisho, wuxuuna hambalyada ciidda u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan bulshada Puntland, isagoo u rajeeyey in ciiddan ciiddeeda kale ay ku gaaraan barwaaqo iyo nabadgelyo.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa tilmaamay in maanta oo ah maalin farxadeed uu bulshada Soomaaliyeed la qaybsanayo farxada ciidda, islamarkaana uu ku raja weyn yahay in guud ahaan dalkeena Soomaaliya uu gaari doono dawladnimo taam ah, horumar taabba gal ahna laga samayn doono arrimaha bulshada.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqay umadda Soomaaliyeed inay ka shaqeeyaan ilaalinta nabadgelyada iyo sidii meel looga soo wada jeedsan lahaa la dagaalanka kooxaha arga-gixisada ah ee Al-shabaab oo ah kooxo cadowga ku ah umadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas sidoo kale wuxuu dhalinyarada Soomaaliyeed ku adkeeyey inay ka feejignaadaan la shaqaynta kooxaha nabad diidka ah ee Al-shabaab , maadaama ay duulaan ku yihiin jiritaanka shacabka Soomaaliyeed.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: