Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed (dhegayso+ Sawiro

HomeWararka

Madaxweynaha Puntland oo Sagootiyey Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed (dhegayso+ Sawiro

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 26 Oct 2018 sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed M

Olole horumarineed oo kasocda degmada Buursaalax (dhegayso)
Sare ukac kuyimid qiimaha lakala siisto xoolaha ee seylada Bosaaso (dhegayso)
Maamulka degmadda dhuusamareeb oo Amar culus kusoo rogay Gaadiidleyda

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay tariikhdu tahay 26 Oct 2018 sagootiyey Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan iyo Madaxweyna Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan oo muddo todobaad ah caasimadda Dowladda Puntland ee Garoowe u joogey ka qaybgalka shirka Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Puntland ayaa sheegay in maanta ay Puntland iyo shacabkeedaba u tahay wanaag iyo sharaf sagootinta Madaxweynayaasha ka qaybgalay shirka 4-aad ee Madasha Iskaashiga Dolwaddaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka Soomaaliya.

‘’Waxaan maanta halkan ku sagootinaynaa Guddoomiyaha Golaha Iskaashiga Dowladaha xubnaha ka ah DFS ahna Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, kuwaas oo kasoo qayb galay shirkii 4-aad ee madasha iskaashiga, shirkii guul iyo khayr ayuu noogu soo dhammaaday maantana walaalahayo oo runtii aan uga mahadnaqayno imaantinkooda ayaan sagootinaynaa” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Sidoo kale Madaxwyenaha Puntland oo ka hadlaya mihiimadda uu shirku leeyahay ayaa sheegay in shirka looga gol lahaa geedi socodka nabadda Soomaaliyeed, amniga, dimuquraadiyadda, fadaraaliisamka iyo in Soomaaliya ay xasisho, Soomaaliya nabadgelyo hesho, Soomaaliya Dolwadd wanaagsan hesho iyo in ay Soomaaliya hore u socoto.

Madaxweyne Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale sheegay in shirka uu kasoo baxay warmurtiyeed mugle, kaas oo taabanaya geedi socodka nabadda Soomaaliyeed si badan, dhanka amniga, dimuquraadiyadda, fadaraaliisamka iyo in Soomaaliya ay xasisho, Soomaaliya nabadgelyo hesho, Soomaaliya Dowlad wanaagsan hesho, Soomaaliya inay hore u socoto u jeedada lagalahaa shirkuna ay intaas ahayd, madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in waxa ay shaqaynayaan ahayn dumin Soomaaliyeed ee waxa ay ka shaqaynayaan ahayd dhisid Soomaaliyeed iyo fadaraalisamka lagu heshiiyey in sidii saxda ahayd loo hirgeliyo iyo in federaaliisamku uu qabsado dhabbihii saxda ahaa.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland iyo Madaxweyneyaasha Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa ka hor inta aanay duulin sii indha indheeyey qaybaha kala duwan ee uu ka kooban yahay garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Janaraal Maxamed Abshir ee magaalada Garoowe, Madaxweyneyaasha ayaa midmid u dul istaagay qaybaha VIP-da, qaybtadhoofayaasha, qaybta soo degeyaasha iyo sidoo kale parking ka diyaaradaha, waxayna Madaxweynayaashu xukuumadda Dowladda Puntland ku bogaadiyeen kobcinta kaabayaasha dhaqaalaha oo uu ka mid yahay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa kormeeray qaybo cusub oo lagu soo kordhiyey garoonka diyaaradaha ee Janaraal Maxamed Abshir, halkaas oo ka socoto nalayn casri ah ( solar energy) oo lagu xidhayo dhammaan wadooyinka soo gala iyo kuwa kabaxaya garoonka.

-DHAMMAAD-

Dhegayso.

Sawiro.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: