Wafdi Ka socda Ururka iskaashiga islaamka oo muqdisho gaaray (Sawiro)

Wafdi ka kala socda qaar ka mid ah dalalka Islaamka ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho.

Wafdiggaan ayaa waxa ka mid ah Boqortooyada Sacuud Carabiya, Turkiga iyo Malaysiya, iyo sidoo kale wafdi uu hoggaaminayo Mudane Danjire Hishaam Yuusuf oo ah Kaaliyaha Xoghayaha guud ee Ururka Iskaashiga Islaamka.

Shirka Ururka Iskaashiga Islaamka ayaa lagu waddaa in uu ka furmo Berri Magaalada Muqdisho.

Shirkan ayaa noqonaaya kii u horeeyay ee ay marti geliso Soomaaliya, sida lagu go’aamiyay qaraar ka soo baxay shirrkii 44aad iyo 45aad ee Wasiirada Arrimaha Dibadda Iskaashiga Islaamka ee ka dhacay magaalooyinka Abidjan ee dalka Ivory Coast iyo magaalada Dhaka ee Bangladesh.

Shirkan ayaa diiradda lagu saari doonaa nabadgelyada iyo xasiloonida Soomaaliya, waxaana ka qeyb geli doona illaa 15 dal oo kala ah:-

1- Azerbaijan
2- Brunei
3- Djibouti
4- Egypt
5- Gabon
6- Iran
7- Kuwait
8- Malaysia
9- Pakistan
10- Qatar
11- Saudi Arabia
12- Sudan
13- Turkey
14- UAE
15- Yemen


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com