Madaxweynaha Puntland oo Itoobiya kaga qayb-galaya xuska maalinta qowmiyadaha (Dhegeyso)

Garoowe, December 6, 2013 – Madaxweynaha dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Faroole iyo wefdi uu horkacayo ayaa maanta u amba-baxay dalka Itoobiya, halkaas oo ay ka heleen casumaad rasmi ah.

Madaxweyne Faroole oo saxaafada kula hadlay garoonka diyaaradaha ee Garoowe ayaa sheegay in lagu casumay ka qayb-galka munaasabada xuska qowmiyadaha ee dalkaas, taas oo dhowaan la qaban doono.

Dr. Faroole ayaa sidoo kale booqasho ku tegi doona meelo dhowr ah oo loo qorsheeyey in xuska lagu qabto, waxaana ka mid ah caasumada DDSI ee Jigjiga.

Xuska maalinta qowmiyadaha oo ah mid balaaran ayaa markii siddeedaad waxaa casumaysa Jigjiga, madax kala duwan oo Afrika ka socda ayaana lagu casumay.

Madaxweynaha Puntland oo la marti-geliyaasha ka mid ah ayaa sidoo kale Itoobiya kala hadli doono arrimo dhowr ah, marka uu soo dhamaado xuska qowmiyadaha Itoobiya oo si wayn qaban-qaabadeedu uga socoto dhulka Soomaalida ee dalkaas oo sanadkan lagu qabanayo.

?Duufaanadii ka dhacay gobolka iyo dhibaatooyinka kale ee Puntland soo food saaray sida qaraxii shalay iyo arrimo kale ayaan ka arrinsan doonaa madaxda aan is aragno.? Madaxweyne Faroole ayaa xusay in Puntland iyo Itoobiya uu jiro xiriir adag oo ka dhexeeya.

Diiwaanka wararka

Radio daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com