Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 05 May 2017 booqasho gaaban ku tegey tuulada Horogle oo hoostagta degmada Gaalkacayo ee xarunta gobolka mudug.

Madaxweynaha ayaa waxaa kusoo dhoweeyey tuulada Horogle waxgaradka iyo bulshada rayidka ah ee  ku dhaqan tuuladaasi, waxaana uu madaxweynuhu mid-mid u gacan qaaday dhammaan dadkii halkaasi ku soo dhoweeyey.

Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa kadib markuu ka dhegaystay   waxgaradka tuulada Hurugle baahiyaha ay u nugul-yihiin oo u baahan in waxlaga qabto, ayaa waxa uu u balan qaaday  madaxweynuhu ceelbiyood laga hirgelindoono tuuladaasi, taas oo ay fulinteeda iyo hirgelinteedaba yeelan doonto dawladda Puntland.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa kormeer ku tegey goob laga hirgelinaayo xarun waxbarasho taas oo ay gacanta ku hayso Canbaro Xaashi Nuur oo kamida waxgaradka tuulada, waxaana iska kaashaday  hirgelinta dhismaha xaruntani waxbarasho jaaliyada kasoo jeeda tuulada Horogle iyo hay’adaha qaramada midoobey ee ka hawlgala gobolka Mudug.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa markasta ku heelan horumarinta iyo sare u qaadida hanka shacabka Puntland, taas oo ay dawladda Puntland iyo shacabkeedu markasta yagleelka ugu jiraan hiigsiga horumar midaysan oo ku baaha dhammaan degaanada Puntland.

–DHAMMAAD—

XAFIISKA, WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

 

 

  

 

    

  

Leave a comment

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com