MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA XAFIISKA HANTIDHOWRKA GUUD EE DOWLADDA PUNTLAND.

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA XAFIISKA HANTIDHOWRKA GUUD EE DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad
Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loo magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

* Waxaana shaqo ka joojin lagu sameeyey Dhammaan Guddoomiye Ku-xigeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com