MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA XAFIISKA HANTIDHOWRKA GUUD EE DOWLADDA PUNTLAND.

HomeWararka

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY GUDDOOMIYAHA XAFIISKA HANTIDHOWRKA GUUD EE DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Guddoomiyaha

LAASCANOOD oo lagu soo dhaweyeey Guddoomiyihi SNM ugu magacawna degaanka Cegaag
Ciidanka Booliska Australia oo Fashiliyey Weerar Diyaarad Lagu Ridi Lahaa
AMISOM oo walac ka muujisay in Ciidamadda Maraykanka laga saaro Somaaliya

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland

Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad
Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Guddoomiyaha Xafiiska Hanti-dhowrka Guud.

Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Cismaan Maxamuud Cali (Qaroofey) loo magacaabay Guddoomiyaha Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

* Waxaana shaqo ka joojin lagu sameeyey Dhammaan Guddoomiye Ku-xigeennada Xafiiska Hantidhowrka Guud ee Dowladda Puntland.

Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: