Ciidanka Booliska Australia oo Fashiliyey Weerar Diyaarad Lagu Ridi Lahaa

Booliska dalka Australia ayaa ka hortagay qorshe argagixisinnimo ah oo looga gol-lahaa in lagu soo rido diyaarad, sida uu sheegay ra’iisalwasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull. Afar nin ayaa loo xiray falkaasi.

Kooxaha wax baara ee wadanka Australi ayaa waxa ay shaaca ka qaadeen in ay heleen macluumaad ku saabsan in la qarxiyo diyaarad, iyada oo la adeegsanayo walxaha qarxa ee guryaha lagu farsameeyo.

Dhanka kalena ra’iisalwasaaraha dalkaasi Malcolm Turnbull ayaa sheegay in qorshahaasi hadda la fashiliyay oo la qaaday hawlgal weyn oo ka dhan ah argagixisada.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com