MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE BANKIGA DHEXE EE DOWLADDA PUNTLAND.

HomeWararka

MADAXWEYNAHA OO MAGACAABAY AGAASIMAHA GUUD EE BANKIGA DHEXE EE DOWLADDA PUNTLAND.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha G

Dagaal Beleed Khasaare Geeystay oo kadhacay deegaanka Cagaare.
Wacaal daray ah: Qarax ismiidaamin oo Gaalkacyo ka dhacay
Warka Fiidnimo Cabdiraxmaan Xudeyfi, Daljir Bossaso (dhegayso)

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, oo soo saaray Xeer Madaxweyne Lr. 003 ee 19-ka March 2024, ayaa magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Dowladda Puntland
Markuu arkay: Dastuurka Dowladda Puntland Qodobkiisa 80-aad faqradiisa 5-aad iyo Qodobkiisa 109-aad faqradiisa 3-aad
Markuu arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa iyo Waayo-aragnimadiisa shaqo.

Markuu tixgeliyey: Baahida loo qabo magacaabida Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.
Wuxuu xeeriyey:

* Waxaa Khadar Cabdi Axmed loo magacaabay Agaasimaha Guud ee Bankiga Dhexe ee Dowladda Puntland.
Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, Wuuna saxiixay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: