Dagaal Beleed Khasaare Geeystay oo kadhacay deegaanka Cagaare.

HomeWararka

Dagaal Beleed Khasaare Geeystay oo kadhacay deegaanka Cagaare.

Wararka nagaso gaaraya deegaanka Cagaare oo katirsan meeshay iska galaan Nugaal,iyo Sool ayaa sheegaya in uu ka qarxay dagaal beleed khasaare geeystay

Shirkadaha qaada xujayda oo maanta shaaciyey in sanadkaan la soo hormariyey xilligii la bixin jirey
Madaxweynaha Hir-Shabeelle oo Jowhar ku qaabilay Wafdi ka socda QM
Shir looga hadlayo ganacsiga dalalka Talyaaniga iyo Soomaaliya oo kadhacay Muqdisho (dhegayso)

Wararka nagaso gaaraya deegaanka Cagaare oo katirsan meeshay iska galaan Nugaal,iyo Sool ayaa sheegaya in uu ka qarxay dagaal beleed khasaare geeystay.

Dagaalka ayaa u dhaxeeya sida goobjogayaal kusoo Waramayaa Maleeshiyo Belood wadda daga Cagaare oo ah dhul balaaran,waxaana Maleeshiyaadka ay kaso kala jeedan Magacaley iyo qoriiley.

Ku dhawaad 16 Qof ayaa Wararku shegayaan inay ku dhinteen Dagaalka,Balse ilaa hadda majirto Cid fah faahisay Khasaaraha dhabta ah ee kadhashay dagaal beleedkaas.

Ma aha Markii ugu horeysay oo degaankas ku dagalamaan Maleeshiyaad kaso kala Jeeda Magacley iyo Qorile,balse kal hore ayaa Heshiis laga gaaray Colaada degaanka kaso cusboonatay.

Dhinaca kale Degmooyinka Buuhoodle iyo Buurtinle ayaa la gaarsiiyey dhawacyo waxyeelo kasoo gaartay dagaalkii degaankaas kadhacay,inkasto dhawacyadda tiradoda an la xaqiijin karin.

Radio Daljir ayaa caawa Xiriiro kala duwan la samaysay Odayaasha degaanka ,balse saacadaha so socda ayaa idin soo gudbinaynaa waraysi ka hadlaya dagaalkaas iyo Khasaaraha kadhashay.

Radio Daljir
Diwaanka Wararka

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: