Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray Magaaladda Marka

Madaxweynaha Koonfur galbeed oo gaaray Magaaladda Marka

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray Magalada Marka eeCaasimadda Gobolka Shabeellada hoose.

Guddoomiyaha Gobalka Shabeellada hoose, Guddoomiyaha Degmada Marka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada ayaa ku soo dhaweeyay Garoonka Diyaaradaha degaanka Ceel-jaale.

Madaxweyne Lafta Gareen iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo Maalmahanba ku sugnaa Magaalada Xuddur ee Caasimadda Gobolka Bakool, ayaa lagu wadaa in uu uga warbixiyo maamulka iyo Shacabka Marka wixii uu halkaasi kula soo kulmay, iyaga oo sidoo kale la filayo in ay kala war qaataan, si ay ula socdaan xaaladda guud ee Gobolka Shabeellada hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com