Madaxweynaha Hirshabeelle oo Baaq u Diray Jaaliyadda Deegaanka

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad oo maanta Dalka Dib ugu soo Laabtay kaddib Safaro Shaqo uu Ku Tagay  Dalalka Ingiriiska Iyo Kenya, ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Hirshabelle ee ku nool dalka dibadiisa in ay ka qeyb qaataan Horumarinta iyo Dib u dhiska, iyo in ay maalgashtaan Deegaanada Hirshabelle.

Madaxweynaha ayaa Garoonka Diyaarada Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho waxaa Ku soo dhoweeyay Xubno ka tirsan labada Gole ee Dowladda Hirshabelle, iyo Xildhibaanno Ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya,  soo dhoweyn kaddib madaxweynaha Qeybta Nasashada Garoonka ee VIP-da ayuu Warbaahinta kula hadlay, isagoo faah faahiyay safarkiisa.

.Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble Siyaad ayaa sheegay markii ay ka qeyb galeen Shirkii arrimaha Soomaaliya ee London in uu kulamo kale duwan uu La qaatay  Jaaliyada Reer Hirshabeelle ee UK, islamarkaana uu faah faahin ka siiyay howlaha Maamulka, sidoo kalena  ay ka wada hadleyn sida lagama maarmaanka ay u tahay ka shaqeynta Horumarinta iyo Dib u dhiska Hirshabelle in ay ka qeyb qaataan iyo in maalgashi Ku sameytaan Hirshabelle oo fursado badan ay ka jiraan loona baahanyahay in laga faa’ideysto, waxaana uu mar kale Jaaliyadda Reer Hirshabelle iyo Ganacsatada uu ugu baaqay in ay maalgashi ay Ku sameeystaan deegaanadoodi.

Sidoo kale madaxweynaha Dowlad Goboleedka Hirshabelle Mudane Cali Cabdullaahi Cosoble oo sii hadlay ayaa sheegay in Magaalada Nairobi sidaas Oo kale kulamo uu La soo qaatay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Hirshabelle ee Ku nool halkaasi iyana ay ka wada hadleyn La shaqeynta maamulka iyo ka qeyb qaadashada Xoojinta dowladnimada, waxaana uu xusay madaxweynaha In Magaaladaasi uu kulamo kale duwan uu kula soo qaatay  Ururo iyo Dowlado  Beesha  caalamka ah islamarkaana ay ka wada hadleyn La shaqeynta maamulka Hirshabelle iyo in ay ka saacidaan baahiyaha ay qabaan, waxaana shirarkaasi ay Ku soo dhamaadeen Guul.

Ugu Dambeyntii Madaxweynaha ayaa sheegay in ay dhowaanqorsheynayaan dhisida kaabayaasha dhaqaalaha  Iyo fulinta mashaariicyo Horumarineed oo laga fulinayo deegaanada iyo Degmooyinka Hirshabelle, waxaana


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com