Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka hadlay dib u heshiinta dadka somaliyeed

Madaxweynaha Hiirshabeele oo ka hadlay dib u heshiinta dadka somaliyeed

Madaxweynaha Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Reer Hirshabelle meel kasta oo ay joogaan ugu hambalyeeyay munaasabadda Ciidul-Fidriga.

Madaxweynaha ayaa sheegay in bishii Ramadaan ee kheyrka badneyd uu Ilaahay dadka naxariis ballaaran u fidiyo, loona baahan yahay shacabka Soomaaliyeed iyagoo taas ka shidaal qaadanaya inay is cafiyaan, isu naxariistaan, isuna gargaaraan munaasabadda Ciidul Fidriga awgeed.

“Ilaahay ha inaga aqbalo Soonka iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bisha Ramadaan, shacabka Soomaaliyeedna Ilaahay ha siiyo raxmad, nabad iyo caddaalad, Inagoo ka faa’ideysaneyna munaasabaddan weyn ee kheyrka leh, waxaan Dadka Soomaaliyeee ugu baaqayaa in ay ka shaqeeyaan dib u heshiisiinta, nabad ku wada noolaansho si gaar ah bulshada Hirshabelle waxaan ugu baaqayaa in ay ka digtoonaadaan dagaalada macnaha aan laheyn oo la xiriira qabiilka maalin walbo in dhiig loo daadiyo dagaallo qabiil ma ahan mid ka turjumeysa hiigsiga aan hiigsaneyno, waxaan ku baaqayaa in la joojiyo dagaal beeleedyada ku soo noq noqday deegaanada Hirshabelle” ayuu yiri madaxweyne Waare.

Dr Maxamed Cabdi Waare madaxweynaha Hirshabelle Ayaa si gaar ah ugu hambalyeeyay ciidamada Boliiska Hirshabelle iyo Guud ahaan Ciidamada Qalabka Sida ee ka howlgala deegaannada Hirshabelle ee habeen Iyo maalin u taagan u qidmeynta bulshada iyo xaqiijinta Amniga, sidoo kale dhalinyarada Deegaanka ee macawiisleyda ee u istaagay la dagaalada Al-shabaab oo muujinaysa geesinimadooda ayuu sidoo kale madaxweynaha dhambaal hambalyo u diray.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com