Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geerida Lataliyihii Madaxwaynaha Ee Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose.

HomeWararka

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geerida Lataliyihii Madaxwaynaha Ee Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose.

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geerida Lataliyihii Madaxwaynaha Ee Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose. Madaxweynaha dawladda Pu

Doorka Haweenka Puntland ee Siyaasadda iyo Arimaha Bulshada (Dhegaysi+Sawirro)
ANALYSIS: IS SOMALILAND OFFICIALLY IN CIVIL WAR?
MAANHADAL: Khilaafka Barlamaanka iyo aragtida dhegaystayaasha (dhegayso)

Madaxweynaha Dawladda Puntland oo ka Tacsiyadeeyey Geerida Lataliyihii Madaxwaynaha Ee Arimaha Gudaha iyo Dawladaha Hoose.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ka tacsiyadeeyey geerida Alle hawnaxariistee marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan oo ku geeriyaaday xalay Dalka Maraykanka Gaar ahaan Magaalada Virginia.

Madaxweynaha Puntland oo ku hadlaya afka goleyaasha Dawaladda Puntland ayaa waxaa tacsi udirayaa Guud ahaan shacabka Puntland iyo eheladii, qaraabadii, asxaabtii iyo qoyskii uu ka baxay marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan.

Marxuunka ayaa ku geeriyoodey MagaaladaVirginia ee Dalka Mareykanka halkaasi oo uu mudooyinkii ugu danbaysay ku xanuunsanaa, Illaahayna uu qadaray in maanta ay saacadiisii kusoo gebagebowday.

Dhinaca kale Madaxweynaha ayaa xusay in Marxuum Cabdulaahi Ciid Cismaan uu ahaa shaqsi gudashada waajibaadkiisa shaqo ku wanaagsan, islamar’ahaantaana shaqo wanaagsan qabtay muddadii uu ahaa lataliyaha Madaxweynha.

Ugu danbayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa marxuunka Alle uga baryey inuu u naxariisto, denbigiisana dhaafo, su’aasha qabrigana Alle sulansiiyo, samir iyo iimaanna uu kasiiyo eheladiisa iyo qoyskii uu ka tegay.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: