Alshabaab oo baahiyaay Magaca ninkii maalmo kahor Weraaray Madaxtooyada

Xarakada Al-shabaab ayaa sheegtay magaca mid ka mid ah Raggii ku lugta lahaa weerarkii dhawaan lagu qaaday Madaxtooyada iyo Xarunta Nabad Sugidda Soomaaliya.

Al-shabaab waxaa ay magaca Ninka waday Gaariga ku qarxay agagaarka Hotel Dorbin ku sheegeen Cabdullaahi sheekh Aadan Sheekh Axmed Guure.

Ninkan oo ay wareysatay Idaacadda Al-shabaab ka hor isqarxintiisa ayaa waxaa uu sheegay in uu ka dhadhay Beesha Marreexaan kana mid ahaa dagaallamayaashii Al-shabaab ee fuliyay weerarkii ay Al-shabaab ku qaadeen magaalada Muqdisho gaar ahaan agagaarka Madaxtooyada iyo xarunta NISA.

Al-shabab waxaa sidan oo kale markasta u sheegtaa dadka isqarxiya magacyadooda iyo qabiillada ay ka soo jeedaan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com