Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo sheegay inay gacanta ku dhigeen koox Burcad ah

Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo sheegay inay gacanta ku dhigeen koox Burcad ah

Duqa Degmada Gaalkacyo Xirsi Yuusuf Barre oo Warbaahinta kula hadlay Magaalada Gaalkacyo dhinaca Galmudug ayaa sheegay in ciidanka ammaanka ee Maamulka Magaalada Gaalkacyo ay gacanta ku dhigeen Kooxo caadeystay sida uu sheegay inay la baxaan Batariyada uu ku shaqeeyo soolarka Cadceedda ku shaqeeya ee laga hirgaliyey Magaalada Gaalkacyo.

Dhawaan ayuu sheegay in caddaaladda la horkeenayo raggaan oo falkaan dhawr mar sameeyey illaa intaasna ciidamada ammaanku ay ku daba jireen.

Duqa degmada Gaalkacyo waxaa uu hadalkiisa intaas uu ku daray in sidoo kale Bulshada Gaalkacyo la farayo inay iska hagaajiyaan meelaha biya fadhiisidka ah ee ku yaalla magaalada gudaheeda.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com