Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo

HomeWararka

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, ha

Wasiir Beyle oo Kismaayo kafuray shir ku saabsan horumarinta daqliga Soomaaliya.
Madaxwaynaha Puntland oo kala diray golihii deegaanka ee degmada Qandala
Dagaal kooban oo ka dhacay kontoroolka duleedka Bosaaso

Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame ayaa ku hanjabay inuu dalkiisa ka saarayo kumaanka qaxootiga ah ee u dhashay dalka Congo ee dalkiisa ku nool, haddii beesha caalamku ay sii waddo inay ku eedayso in dalkiisu uu masuul ka yahay colaadda ka taagan bariga Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ah ee Congo.

Madaxweynaha oo ka hadlayey xaflad lagu dhaarinayey afhayeenka aqalka Senate-ka ee Rwanda, ayaa wuxuu Kagame yiri “ma sii wadi karno marti-gelinta qaxootiga, iyada oo hadhowna nalaku eedaynayo inaanu xadgudubyada loo geysanayo qaxootiga, taasoo ka dhalatay isir sifayn ka dhacday dal kale – iyada oo aanu noqonay meel lagu soo daadiyo dadka xuquuqdooda la duudsinayo.” ayuu yidhi.

Madaxweyna Kagame oo markii hore ku hadlayey luuqadda dalkiisa ayaa u wareegay luuqadda Ingiriisida inuu ku hadlo, taasoo uu isticmaalo marka uu rabo inuu fariin u diro beesha caalamka.

Kagame ayaa sheegay inay u diyaar garoobeen in la cambaareeyo, ka dib markii ay sameeyeen falal ay ahayd inay sameeyaan.

Dawladda Congo iyo Qaramada Midoobay ayaa ku eedeeyey Rwanda inay taageerayso jabhadda M23 taasoo ah jabhad mucaarad ku ah dawladda Congo, kana dagaalanta bariga dalkaas, hase ahaatee dawladda Rwanda ayaa iyadu diiday eedda loosoo jeedinayo.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: 0