Madaxwaynaha Puntland oo kala diray golihii deegaanka ee degmada Qandala

HomeWararka

Madaxwaynaha Puntland oo kala diray golihii deegaanka ee degmada Qandala

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kala diray golihii deegaanka degmada Qandala ee gobolka Bari, isagoo u cuskaday xil gu

Warka Fiidnimo, Cumar Lakiman, Daljir Cabudwaaq (dhegayso)
Badhan: Sidee ku heli kartaa garoon cusub oo roog ah?
Shir looga hadlayo Xasilinta Dalka oo Muqdisho ka furmay

Madaxwaynaha Dowladda Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa kala diray golihii deegaanka degmada Qandala ee gobolka Bari, isagoo u cuskaday xil gudash la’aan.

Hoos ka akhriso wareegtada

Madaxweynaha Dawladda Puntland Ayaa Waxa uu Kala Diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 30 May 2018 xafiiskiisa kasoo saaray wareegtu ku saabsan kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

Xeer Madaxweyne Lr. 62 23 May kuna saabsan Kala dirid Golaha Deegaanka Degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Madaxweynaha Dawladda Puntland.

Markuu arkay: Dastuurka Dawladda Puntland.

Markuu tixgaliyey: Talo soo Jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Dawladaha Hoose iyo Horumarinta Reer Miyiga.

Markay caddaatay: Inay hanan waayeen shaqadii loo igmaday.
Wuxuu xeeriyey.

1. Waxaa la Kala diray Golaha Deegaanka Degmada Qandala.

2. Xeerkani wuxuu dhaqan gelayaa markuu Madaxweynuhu saxeexo, wuuna saxeexay Madaxweynuhu.

=DHAMMAAD=

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: