Wasiir Beyle oo Kismaayo kafuray shir ku saabsan horumarinta daqliga Soomaaliya.

Wasiir Beyle oo Kismaayo kafuray shir ku saabsan horumarinta daqliga Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle yaa maanta magaalada Kismaayo ka furay shirkada Maaliayada wasaaradaha dowladda iyo maamul goboleedyada dalka.

Wasiirka oo ka hadlay ahmiyadda shirkaan uu u leeyahay bulshada Soomaaliyeed ayaa tilmaamay in shirkan uu qeyb kayahay shirarka ay soo qaban qaabiso Wasaaradda Maaliyadda ee looga hadlayo horumarinta daqliga Soomaaliya.

“Wasiir Cabdirashiid Shire Wasiirka Maaliyadda Jubbaland, Wasiirada kale ee ka socda dowlad goboleedyada, runtii sharaf weyn ayay noo tahay imarkale in aan halkan ku qabsano shirarkii caadiga ahaa ee aan qabsan jirnay, aad baan ugu faraxsanahay jawiga magaalada”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda.

Wasiir Beyle ayaa bulshada ku nool Jubbada Hoose ugu baaqay inay ka faa’iideystaan kheyraadka dabiiciga ah ee uu Alle ku maneystay Gobolka, isla markaana ay hirgeliyaan mashaariic horumarineed oo wax loogu qabanayo shacabka Jubbooyinka.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com