Dagaal kooban oo ka dhacay kontoroolka duleedka Bosaaso

Dagaal kooban oo ka dhacay kontoroolka duleedka Bosaaso

Kaantaroolka laga soo galo magalada Bosaaso ayaa iska horimaad kooban waxa uu manata ku dhexmaray ciidamo ka tirsan dowladda iyo malayshiyo hubayso oo ka yimid dhanka degmada Carmo oo qiyaastii Bossaso u jirta 100 Km.

dagaalkan ayaa waxaa ku dhaawacmay hal askari oo ka tirsan ciidamada ilaalada kaantaroolka Bosaaso.

Wararka Radio Daljir helayo ayaa tibaaxaya in dagaalku uu salka ku hayo muran iyo khilaaf taagnaa tan iyo doorashadii Madaxweyne Deni, lana xiriira shirkad lagu magacaabo PDG oo taakulaynta u qaabilsan ciidamada Badda Puntland ee PMPF.

Ciidamadii ka yimid dhanka degmada Carmo ayaa gudaha u soo galay magaalada Bosaaso.

Warar kale ayaa ayana sheegaya in ciidamo ka soo baxay Garoowe ay ku soo wajahanyihiin Bosaaso.

Warar danbe ayaa ayana sheegaya in ciidamo uu hogaaminayo Korneel Ciise Yulux ay xirteen waddada gasha kontoroolka magaalada Bosaaso.

Diiwaanka wararka
Radio Daljir

La xiriira

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    DON’T BE SORRY!!.
    WAAYO?
    “GACAN UU NIN LIHI GOYNAYAA WAY GUMUDUNTAAYE”.
    DENI ISAGAA DABKA SHIDAYA SIDAA DARTEED WAXAAS WAX KA DARAN INAY KA DHACAAN BAABA LA FILAYAA!!.
    YAA IS GAARAYBA!!!.
    DENI WUXUU KU SHAQAYNAYAA KAARTO AABAHEED WASTAY OO AY KA DANBEEYAAN UAE & KOOXDA AARAN JAAN EE FAROOLE HOGAAMIYO.NINKII GEEDKA TIMIRTA U FADHIYEY!!!.#KKKKKK.
    DENINA WAA XOOLO ILLAAH…
    ILAAHAY HA U SAHLO REER PL WAAYO?SIYAASAD XUMADA DENI WAXAA LOOGA BAQAYAA CAWAAQIB XUMO KU TIMAADA MAAMULKAAS,..

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com