Mareykanka oo dad shacab ah kulaayay Afgaanistaan

Mareykanka oo dad shacab ah kulaayay Afgaanistaan

Todoba qof oo shacab ah oo kasoo jeeda hal qoys ayaa ku dhintay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen diyaaradaha mareykanka oo ka dhacay bariga dalka Afghanistan.

Xafiidulaah Mubaarak oo ah xubin katirsan maamulka Pakistaan ee Bariga Afghanistan ayaa xaqiijiyay in weerarkan uu ka dhacay magaalada Ariop Zazai oo maamulkooda hoos timaada, isla markaana lagu bartilmaameed saday gaari dad rayid ah saaran yihiin, waxa uu sidoo kale xaqiijiyey in weeraarkaasi ay ku naf waayay hal dhaqtar, saddex dumar ah iyo saddex Caruur ah.

Idaacada “Radio Ashna” ee gudaha Afghaninsatan, ayaa sheegtay in dhaqtarku isaga iyo qoyskiisuba ay kasoo laabteen janaasada mid ka mid ah hogaamiyaasha Daalibaan oo ay dileen ciidamada Afghaninstan.

Ciidamada mareykanka ayaan ilaa hadda wax faahfaahin ah ka bixin weerarkaan.

Dalka Afghanistan ayaa sanadihii ugu dambeeyey la’ildarnaa weerar iyo dagaalo joogto ah kuwaas oo u dhaxeeya xoogaga Dalibaan iyo ciidamada Afghanistan oo ay weheliyaan diyaaradaha isbaahaysiga mareykanku horkacayo.

Xukuumada Washington ayaa isku dayday in ay wadahadal la furto Daalibaan si looga baaqsado dagaalada daba dheeraaday ee dalka Afghanistan, halka xoogaga Dalibaana ay ku adkeysanayaan bixitaanka ciidamada Mareykanka.

Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAYSKA CAADI WAAYO? SHARCI QABTA MARAYKANKA MA JIRO OO GACANTUU KU QAATAA SHURUUCDA DUNIDA U DEGSAN,WAA NINKAAS XOOGA WEYNOO CIDUU DOONUU DARDARAA DILAA,DUQEEYAA,DUMAR & CARUUR INTUU LAAYO IYADOO LOO JEEDO BAANAY CIDINA WAX DHIHI KARIN,KASII DARANE XITAA MAGDHOW KAMA BIXIYO!!!.AMERICAN EMPIRE WAA MUHIM IN LOO HELO AWOOD DHEELITIRTA(PALANCE)GAERAYSA DIDA RAASHIYA OOKALE.
    WAAYO?30 SANO EE UGU DANBEEYEY DUNIDU WAXAY FAHANTAY HAB DHAQANKA SIYAASADEED EE FOOSHEA XUN EE INDHA LA’AANTA AH EE MARAYKAN DUNIDA KU HOGAAMINAYEY!!!.MARAYKANA WUXUU NOQDAY (JOORNAAL LA AKHRIYEY)!!!!.
    XAQIIQDII MA QAADI KARO MARAYKAN MASUULIYADA HOGAAMINEED EE DUNIDAN!!!.
    WAA NINKAA DUNIDA USHEEGAY WAX (INTERNATIONAL LAW)LA DHAHAA INAANU DUNIDA KA SHAQAYN,SIYAASADA MARAYKANA WAXAY NOQOTAY (ANAA KAA XOOGWEYN)PK,ANAA KAA XOOGWEYNA DUNI LAGUMA HOGAAMIN KARO,FIIRI TAARIIKHDA NIN KASTOO DUNIDAN ULA YIMAADA ANAA KAA XOOG WEYN ISAGAA KU JABA!!!.TAARIIKHDA INTA LA OGYAHAY!!.
    SOMALIYA WAXAY KUNLAAYAAN DRONISKA MARAYKANKU  XOOLO NOOL,GEEL,DAD SHACABA OO MASAAKIINA,REER BAADIYA AH DRONISKAAS MARAYKANKA EE QAYRUL MASUULIINTA NACAYBKA KA BUUXO  HAGAYAAN XAQIIQDII DAD & XOOLO BADAN BAA KU MAQAN CID MARAYKAN WEYDIIN KARTAANA MA JIRTO HADII LA WEYDIIYANA MA KAA AGAYSANAYAA BAA KA HORAYSA.
    OK,30kii SANO EE U DANBEEYEY INTA MARAYKAN DUNIDAN KU DILEY XISAAB MA LEH.
    WAA MARAYKAN NINKA HITLER DABADII DAL XORA ISKA QABSADA SHARCIN LA’AAN..!!.
    WAA ,MARAYKAN NINKA DAWLADO JIRA BEERTA U DIREY,BAABI’IYREY BIDUUNI SABAB, AAN AHAYN WAA DAWLAD MUSLIM AH.WAX KALE OO UU KU GALAY MA HAYNO,TUSAALE WAXAA KUUGU FILAN SOMALIYA,SURIA,CIRAQ,AFGHAN,FALASTIN,SUDAN,YEMEN,& IRAAN & TURKI TA UUKU HAYO MARKUU INTII KALE SOL CUNAY..
    YES BOSS AMERICAN EMPIRE……KKKKKKK
    SOMALIYA WAXA HALKAAS DHIGAYNA WAA UUN AMERICAN EMPIRE & MASHRUUCEEDII SIYAASADEED EE AHAA NEW WORLD ORDER MASHRUUCAASOO AH IN DUNIDA ,MUSLIMKA BEERTA LOO DIRO..
    DHACDOOYINKA TAARIIKHIGA AHI WAA MUHIM INAAD WAX KA BARATO!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com