Safarka Taliye Kuxigeenka Booliska iyo Shabakad Al-Shabaab Bossaso oo la Burburiyey

HomeWararka

Safarka Taliye Kuxigeenka Booliska iyo Shabakad Al-Shabaab Bossaso oo la Burburiyey

Sarreeyo Guute Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe, waxaana ku

Xulashada Daljir & Jaamac C/raxmaan , Daljir Garoowe (dhegayso)
Weerar kadhacay Afgaanistaan oo lagu dilay inka badan 250-ruux
BAARDHEERE BARO OO GEDO BARO!

Sarreeyo Guute Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe, waxaana ku soodhaweyeey Garowe taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Taliyaha Ciidanka Ladagalanka Argagxisada iyo masuuliyin kale.

Taliye kuxigeenka ayaa goobta ka sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Garowe, isago ugu hambaleyeey ciidamada Puntland sida ay u sugayaan ammaanka ugana hortagayaan qaraxyada ay maleegaan al-Shabaab iyo argagixisada Soomaaliya.

Gashaanle sare Bile Faarax Cali, Taliye Ku igeenka Ciidanka Booliska Puntland, oo isna ka hadlayeey goobta lagu soo dhaweynayeey taliye ku xigeenka ciidanka Booliska somaliyeed ayaa isna kuso dhaweyeeycaasimada wafdiga taliyaha.

Warar hoose oo Radio Daljir helayso ayaa sheegaya in imaatinka Taliyuhu la xiriirto shakabad al-Shabaab oo Bossaso ka hawlgala oo hawlgalo ay iska kaashadeen Puntland, Koonfur Galbeed iyo Federaalku lagu soo afmeeray.

Warbixinta Maxamed Lakiman ayaa Garowe ka soo diray.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
DISQUS: