Safarka Taliye Kuxigeenka Booliska iyo Shabakad Al-Shabaab Bossaso oo la Burburiyey

Sarreeyo Guute Bashiir Cabdi Maxamed, Taliye Kuxigeenka Ciidanka Booliska Soomaaliya, ayaa maanta soo gaaray Caasimada Puntland ee Garowe, waxaana ku soodhaweyeey Garowe taliye ku xigeenka Booliska Puntland, Taliyaha Ciidanka Ladagalanka Argagxisada iyo masuuliyin kale.

Taliye kuxigeenka ayaa goobta ka sheegay in uu ku faraxsanyahay in uu yimaado Garowe, isago ugu hambaleyeey ciidamada Puntland sida ay u sugayaan ammaanka ugana hortagayaan qaraxyada ay maleegaan al-Shabaab iyo argagixisada Soomaaliya.

Gashaanle sare Bile Faarax Cali, Taliye Ku igeenka Ciidanka Booliska Puntland, oo isna ka hadlayeey goobta lagu soo dhaweynayeey taliye ku xigeenka ciidanka Booliska somaliyeed ayaa isna kuso dhaweyeeycaasimada wafdiga taliyaha.

Warar hoose oo Radio Daljir helayso ayaa sheegaya in imaatinka Taliyuhu la xiriirto shakabad al-Shabaab oo Bossaso ka hawlgala oo hawlgalo ay iska kaashadeen Puntland, Koonfur Galbeed iyo Federaalku lagu soo afmeeray.

Warbixinta Maxamed Lakiman ayaa Garowe ka soo diray.


Posted

in

by

Tags:

Comments

One response to “Safarka Taliye Kuxigeenka Booliska iyo Shabakad Al-Shabaab Bossaso oo la Burburiyey”

  1. mufarah haji ali

    Thanks for prize

U Jawaab mufarah haji ali Buri halceliska

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com