Haweeney madaxweyne ka noqotay dalka Bolivia

Haweeney madaxweyne ka noqotay dalka Bolivia

Janeen Annez oo ah ku xigeenka labaad ee aqalka sare ee dalka Bolivia ayaa ku dhuwaaqday in ay tahay madaxweynaha kumeel gaarka ah ee dalka, intii uu socday fadhi ay yeesheen xubnaha Kongereeska oo aan buuxin kooram-kii loogu talo galay.
Fadhigan oo ujeedkiisu ahaa xaqiijinta iscasilaada Madaxweynihii hore Evo Morales iyo ansixinta Annez in ay noqoto madaxweynaha ku meel gaarka ah ee wadanka, si loo soo gabagabeeyo xaalada kala guurka ee dalka ku jiro.

Annez oo la hadashay mudanayaasha kongarayska ayaa sheegtay in loo baahan yahay in sida ugu dhaqsaha badan loo qabto doorashooyin cusub, iyadoo intaasi ku dartay in loo baahan yahay in la abuuro jawi nabadeed.

Ku dhawaaqista Annez kadib waxa u hambalyeeyey Carlos Mesa oo ahaa musharaxii lagaga guuleystay doorooshiynkii dhacay 20-kii October ee sanadkan, dhinaca kale hogaamiyaha mucaaradka Louis Fernandez Camacho, Ayaa sheegay in uu ka laabtay qalaalasihii iyo go’doomintii uu ku dhawaaqay sadex tododaab ka hor isagoo kaga soo horjeeday dib u doorashadii madaxeeyne Evo Morales.

Annez ayaa dastuurku u ogaalaanayaa qabasha xilka madaxtinimo ee dalka, ka dib is casilaada madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa iyo labadii gudoomiye ee aqalada Kongreeska iyo Duqeyda, Annez ayaa sidoo kale hore ugu dhawaaqday in ay tahay gudoomiyaha aqalka duqeyda.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com