Madaxweynaha Cusub ee Maamulka Hiirshabeele oo Muqdisho Gaaray & Xildhibaano soo dhaweyeey

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho,isaga oo tan iyo doorashadiisii ku sugnaa degaannada Maamulka Hirshabeelle.

Xildhibaanno ka tirsan Golaha shacabka Soomaaliya,saraakiil ka tirsan Dowladda iyo Taliyaha Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa ku soo dhaweeyay Muqdisho.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ahaa Wasiirro iyo Xildhibaanno ka tirsan Maamulka Hirshabeelle iyo labo ka mid ah Musharrixiintii kula tartamay kursiga Madaxweynenimo ,waxaana isaga oo si kooban ula hadlayay dadka soo dhaweeyay ugu baaqay in ay ka wada shaqeeyaan degganaanshaha Hirshabeelle.

Xildhibaannada soo dhaweeyay waxaa ka mid aha;

1- C/risaaq Axmed Maxamed ( Dheere )
2- Daahir Amiin Jeesow,
3- Cumar Cismaan Waasuge ( Ringe )
4- Farxiyo Muumin Cali
5- C/laahi Maxamed Cali ( Sanbaloolshe ) ahna taliyaha Nabad sugida iyo Sirdoonka Qaranka.

Madaxweyne Waare ayaa Kulamo kula qaadan doona Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka Somaaliya iyo Sido kale Xildhibaanada Kaso jeeda Degaanadda Hiirshabeele.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com