Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh oo loo diiday dalkugalka Mareykanka

HomeWararka

Madaxwaynihii hore Xasan Sheekh oo loo diiday dalkugalka Mareykanka

Madaxwaynihii hore dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diiday dal ku galka Mareykanka in loo soo saaro, isagoona lagu waday

Madaxwayne Cabdixakiim Camey: “Wafdi ayaan u diraynaa Buuhoodle” (dhegayso)
Shirki dib u eegista Dastuurka Dalka oo Muqdisho ka furmay
Weerar ismiidaamin oo kadhacay Muqdisho (dhegayso)

Madaxwaynihii hore dowladda faderaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loo diiday dal ku galka Mareykanka in loo soo saaro, isagoona lagu waday inuu ka qaybgalo shirka horumarinta Afrika ee Harvard.

Agaasimaha guud ee hay’adda World Affairs Council,  Mine Kate Mccharthy ayaa sheegtay inay aad uga xuntahay inay la wadaagto bulshada madaxwaynihii hore Soomaaliya inuu kasoo qaybgali Karin shirka Mariortt Sable Oaks, South Portland.

Waxaa ay sheegtay safaaradda Mareykanka ee Muqdisho inay diiday codsiga dal ku galka madaxwaynihii hore Soomaaliya, waxaana loo sababeeyey Soomaaliya inay ku jirto lix dal oo Muslimiin ah oo muwaadiniinta laga mamnuucay Mareykanka inay galaan, sida uu horay usoo saaray madaxwaynaha Mareykanka Donald Trump.

 

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: