Madaxwayne Cabdixakiim Camey: “Wafdi ayaan u diraynaa Buuhoodle” (dhegayso)

Madaxwayne Cabdixakiim Camey: “Wafdi ayaan u diraynaa Buuhoodle” (dhegayso)

Madaxwayne kuxigeenka ahna kusimaha madaxwaynaha dowladda  Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey ayaa wax aan faa’iido lahayn ku tilmaamay dagaalka magaalada Buuhoodle kadhacay maanta.

Waxaa uu sheegay dagaal inay garanayaan reer Buuhoodle inuu waxba soo kordhinayn, waxaana uu ku booriyay siwadajir ah in looga qaybgalo joojinta dagaalkan.

Mar la waydiiyay kaalinta dowladda Puntland ee dagaalkan uga degan ayuu xusay inuu xiriir kale duwan uu lasameeyey issimada dhaqanka oo ku sugan meelo kale duwan oo ay Muqdisho ka mid tahay, lana rajanayo inay maalinta berito usoo ambabaxaan magaalada Buuhdoole si looga qaybqaato kahortagidda dagaalo kale oo dhaca.

Madaxwayne kuxigeenka Puntlad ayaa dhanka kale sheegay ka xukuumad ahaan inay wafdi u dirayaan oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira.

Madaxwayne Cabdixakiim Camey ayaa u waramay Axmed Sheekh Maxamed “Tallman”

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com